Sunday 26th February 2017

Xaflada lagu Sagootinaayo Maamulkii hore laguna Soodhoweynaayo Isbedelka Cusub ee ka dhacay Puntland oo lagu qabtay Wadanka Pakistan ( Sawiro ).

Xaflada si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayey  Isbedelka Puntland ka dhacay dhanka kalena lagu sogootinaayey madaxdii hore ee Puntland,  ayaa wax’ay ka dhacday Caawo ( 22/2/2014)  Envoy Continental  Islamabad ee Wadanka Pakistan .  Xafladaasoo ay  soo agaasimay Jaaliyada reer Puntland ee Pakistan waxaa ka soo qeybgalay Marti sharaf kala duwan oo ay ka midyihiin : Madaxda Safaaradda Somalia ee Pakistan , Madaxda Jaaliyadda  Soomaliyeed ee dalkaan , Aqoonyahaniin  iyo dhamaan qeybah kala duwan ee Bulshada .

Marti sharaftii  goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa , Garsoore ka mid ah Garsoorayaasha Sare ee Puntland Shiikh Mohamed Abdullahi “ Axbaab” .  waxaa kale  oo ka hadlay Cali Shiikh Abdullahi oo ka socday Safaarada Somalia  , Xooghaya Ururka Afrikan ka  Mudane Ali Mohamud Issak , Saxafi Durraan , Eng Suubane , Eng Cumar  iyo  Jamac Mohamed Suleymaan “ Buuhoodle “ .

Dhamaan dadkii Xaflada ka soo qeyb galay ayaa aad  usoo dhoweyey Isbedelka ka dhacay Puntland, waxayna u  hambalyeyeen  Madax weynaha  Cusub ee Puntland Pro Abdiweli Mohamed Ali Gas una  rajeyeen  guul iyo in Illahay xilka la garab galo .   Ugu danbayntii waxaa xaflada lagu soo afmeeray Riwaayad xiiso gelisay dhamaan dadkii ka soo qeyb galay munaasabadaas.

15 14 13 12 11 10 9 8 7 6 5 4 3 2 1