Saturday 25th November 2017

Tacsi: Ganacsade C/samad Yuusuf Maxamed Abwaan oo U tacsiyey eheladii Taariikhyahan Aw-jaamac Cumar Ciise.

Mudane C/samad Yuusuf Maxamed Abwaan oo ka mid ah ganacstada waaweyn ee Reer Puntland islamarkaana ka ahaa wasiirka ganacsiga dowladii Gen Cade Muuse Xirsi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan umada Soomaaliyeed iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday taariikhyahankii weynaa ee Soomaaliyee Aw-Jaamac Cumar Ciise.

Waxa uu Wasiir Abwaan sheegay in umada Soomaaliyeed uu ka baxay nin aad ugu weyn oo taariikh aan la ilaawi ka rin ku leh, islamarkaana ka mid ahaa ragii qoray afka Soomaaliyeed.

“Waxa uu ahaa nin ehelu diin ah taariikhda soomaalidana baal dahab ah kaga jirey, Far soomaalida aan wax isugu qorayno ragii qoray ayuu ka mid ahaaa, waan u tacsiyadeynayaa Dhamaan umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan” sidaasi waxaa yiri Mudane C/samad Yuusuf Maxamed Abwaan.

Alaha u naxariistee Awjaamac Cumar Ciise ayaa geeritooday Caawa Marqribkii isagoo ku xanuunsanaa mudooyinkii ugu dambeeyay dalkaasi Jabuuti.

Cidkasta oo u tacsiyeyneysa Taariikhyahankan caanka ah ee Geeriooday fadlan hanagu soo dirto  E-mail: bosaasopress@gmail.com