Wednesday 26th April 2017

Shirweyne looga hadlayo amaanka Qaranka oo maanta ka furmay Muqdisho

shirweyne

Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho Waxaa maanta ka furmay kulan balaaran oo looga hadlayo amaanka Dalka ,
Waxaa ka qeyb galaya Kulankaas Madax katirsan Dowlada Federaaliga Soomaaliya iyo saraakiil ka kala socota Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagu si rasmi ah u furay kulanka amaanka looga hadkayo iyadoo uu sheegay in xooga la saari doono ka shaqeynta amaanka guud ee dalka siiba Magaalada Muqdisho iyo deegaanadii Al-Shabaab laga saaray .

Goobta uu ka dhacayo Shirka oo ah Hotelka Jaziira ayaa si weyn loo adkeeyay , waxaana halkaasi lagu arki karaa boqolaal ciidanka Militeriga DFS kuwa Nabadsugida iyo ciidanka gaadiidka dadweynaha baara ee Police-ka ka tirsan.

Waxa uu Shirkan socon doonaa Sadax maalmood iyadoo inta uu socdana lagu jeex jeexi doonaan sida loo sugi karo amaanka Dalka siiba Caasimada.