Monday 18th December 2017

Shacabka Magaalada Boosaaso oo ka argagaxay Dhacdadii Dhanka Badda ee Tahriibayaasha.

Bulsha weynta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa ka dhiidhiyay Dhacdooyinka foosha xun ee qabsanaya dadka isku biimeeya badda u dhexeysa Puntland iyo Yemen,

Ka dibmarkii todobaadkii hore dhamaadkiisii ay soo caariyeen in kabadna 18 qof oo meyd ah islamarkaana u badan dhalinyaro soomaaliyeed bulshada ku dhaqan boosaaso waxay u noqotay mid ay siweyn uga naxaan ugana dhiidhiyaan talaabooyinkaas aan ku saleysneyn caqli fadhiya dadka ku dhaqaaqana ku tilmaamay dad aan laheyn feker buuxa oo caafimaad qaba.

Goobaha lagu shaaho, iyo goobaha kale ee aybulshadu ku kulamaan sida gaadiidka dadweynaha waxaa la hadalhayay dhacdadan xanuunka badan ee dadkan badda ku le’day ah.

Hooyooyinka

Maryan Xaaji Waa Haweeney ka mid ah hooyooyinka ku dhaqan gudaha Boosaaso waxayna Bosasopress u Sheegtay in ay aad uga xumaatay arinkan qabsaday Tahriibayaasha iyadoona ugu baaqday xukuumada iyo weliba cidkastoo wax ka qaban karta dadkan u badan dhalinyarada ee naftooda haligaya .

“Waxay noqotay dhacdo aad u xanuun badan oo aan aad uga naxnay, waxayna nagu beertay Caloolyow xanuun kulul” ayaa ka mid ahaa hadalada Mama Maryan.

Waxaa kale oo ay sheegtay Maryan in Hooyooyinka Magaalada loo baahanyahay inay u istaagaan wacyi gelin ka dhan ah dadkaan damacsan in naftooda haligaan iyadoo ay jiraan dad u hanqaltaagaya,

Odayaasha

“Soomaalidu meelkasta dab ayaa ugaga shidan oo way ku haligmeysaa, marka laga yimaado xabadii dadkeena kala reebtay waxaa soo raacay badda u dhexeysa Yemen iyo Somaliya, oo qabta dhiig badan oo dad soomaaliyeed, waxaana u sabab ah xaaladaha murugsan ee ay Soomartay umadeena” ahadalkaasi waxaa isna yiri Salaad Axmed oo ah mid ka mid ah odayaasha ku dhaqan Gudaha Boosaaso.

Waxa uu ka sheekeeyay Salaad Aqoonta uu u leeyahay Badda maadaama uu ka shaqeysan jiray Kaluumeysiga isagoona tilmaamay in xiliyadan ay baddu tahay mid alow sahal ah, Qabow badan, oo u daran Bini aadanka, “iskadaa in lagu safree, xiliyadan oo kale uma shaqatagi jirin” waasida uu hadalka u dhigaye.

Ku dhowaad lixdameeyo qof ayaa todobaadkii tagay ku safray Badda iyagoo damacsanaa in ay Safar Naftiis hurnimo ah ku tagaan gudaha Dalkaasi yemen Balse saacado badan oo ay badda ku jireen ka dib waxaa dhacday Arimo Naxdin leh taas oo lagu baraarugay oo umadda Reer Boosaaso Intii aragtay iyo intii loogaga sheekeeyayba ku abuurtay Argagax iyo anfariir iyagoo gacmaha ka taagay Arimaha la xiriira Tahriibta .

Culimada

Culimada Ayaa iyaguna dhankooda ku tilmaamay arinkan Musiibo, sheegayna in ay dadkani haligeen Naftooda, qofkii naftiisa haligaana uu ku muteysanayo Naar, sida lagu shegay Qur’aankeena kariimka ah.

“Waxaa haboon in la is xususiyo cabsida alle, waxaa haboon in la ogaado diinteena islaamka waxa ay ka qabto haligaada nafta, qofwalba oo halis geliya naftiisa iyo mida walaalkiisba waxaa ku soo arooray aayado quraan ah in uu qofkaasi muteysanayo cadaabta carada alle oo ka dhalan karta Cadaab” sidaasi waxaa ku wacdinayay shacabka reer boosaaso Culimaaudiinka ku dhaqan deegaanka.

Dhinaca Maamulka

Dowlada Puntland ayaa sheegtay ka dib markii ay dheceen dhadooyinkan todobaadkii la soo dhaafay in ay horay u qaaday qorshayaal iyo talaabooyin ay kaga hortageyso dhibaatooyinka ka dhasha falalka tahriibta balse ay sii soconayaan.

Seynab Ugaas waa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland waxayna saxaafada u sheegay in ay soconayaan qoshayaasha lagu dabargoynayo khatarta Tahriibta oo ay wado Xukuumada uguna talinayaan dadka damacsan in ay galaan tahriibta in ay iska daayaan ugana wacyigelinayaan falalkaas.

Dhinacooda ciidamada Amaanka ayaa iyana muujinaya feejignaan ay kula dagaalamayaan kooxaha dadka tahriibiya kuwaas oo si dhuumaaleysi ah uga shaqeysta xeebaha ku heeraaran Gobolka Bari, waxaana dhowr jeer oo hore gacanta lagu soo dhigay dad damacsanaa tahriib iyo dadkii ku qalqaalinayayba.

Isku soo wada duub oo nooma suurto galin in aan la kulano dadka iyagu ku haminaya in ay maraan jidkan lagu hoobtay ee biimeynta nafta ah, sababo jira Awgeed, waxaase macquul ah in ay jiraan dad iyagu damacsanaa safarkan oo ka talabay .