Wednesday 26th April 2017

PROF. DALXA HALLA ILA ARKO.

Waxaan ahay oday Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Muuse Xaaji (Abees), ku sugan USA, 73 jir ah, soo shaqeeyey 42 sano, sida 12 years American Embassy, 18 sano ex Ministry of Information, 12 sano Puntland State of Somalia, iyo weliba

10 sano oo aan ahaa qoraa u madaxbannaan sixitaanka, u duceynta, u digidda, latalinta, ka welwelidda, faaqidaadda iyo dib-u-jalleecidda ummadda Soomaaliyeed oo ay ku habsaday masiibo Eebbe agtiisa ka ahaatay 1991kii, welina uu qiiqeedii baxayo, rarankeediina hurayo. Haddana buufintii sharka lagama daalin.

Waxaan ka mid ahay bulshada Soomaaliyeed ee dalkooda iyo dadkooda khayrka, nabadda, horuumarka iyo midnimada la jecel, isla markaana aad u neceb dulmiga iyo nidaamdarrida, daneeya in si garbosiman ah toos loogu wada socdo, aaminka la isku qabo, qof kasta oo Soomaali ahna lagu qiimeeyo wuxuu mudanyahay, samaan ama saluug, si ay shaqo innoogu kala socoto, una kala baranno dadkeenna intooda qaadi-karta xil ummadeed, waxna ka beddello dhaqanka xun ee dhaca iyo sedbursiga ku dhisan ee ah in aan marwalba mas’uuliyadda hoggaamineed oo jiritaankeenna kaalinta 1aad kaga jirta dusha ka saarro shaqsiyaad u qaylinaya maskab, balse aan mudnayn in masiir ummadeed iyo waxar jaban midkoodna lagu aamino. Waxaan qabaa in hadda kaddib xulashada madaxdeenna sare uu ku yimaado sahan sugan, hubin, isweydiin, shaandhayn badan, makanaa, makaasaa. makoobaa. mase waa kan? Iyo doorasho shacabweyne jago-kasta oo sare, aqoonta, waayo-aragnimada iyo hufnaanta ay noqdaan su’aasha 1aad.

Haddaba, indho-indhayn badan kaddib, Prof.Maxamed Cumar Dalxa Ilaahay haddaayee dadnimo dheeri ah ayaa ku duugan, wuxuuna u qalmaa Hoggaamiye Qaran oo aayatiin wacan u leh dalka iyo dadka Soomaalyeed ee cudurka qabyaaladdu curyaamiyey, asaagood iyo himilada adduunkana ka reebay. Allahayoow aamiin, aamiin, aamiin.

Waxaan soo joogay 9 sano oo ay jirtay dawlad inteeda badan nabaddoono ahaayeen shaqo heliddu dhif iyo naadir ahayd, shuruuddeeduna ahayd ”AYAAD TAQAAN”? 9kaas sano oo ay 2 madaxweyne iyo 3 Ra’islwasaare isbedeleen, wax shaqo muhiim ahayd oo qabsoontay ma jirin, nabad-baase lagu seexan jiray, xisbiyada siyaasadda iyo qayladu tiro ma lahayn, waana dawladdii dibadaha looga bixiyey (Qabrigii baryada).

Waxaan soo joogay 20 sano oo maamul milleteri ah, hawlihiisana ay ka mid ahaayeen: Digtoonoow, Dib-u-Jeenso, Darandoorri iyo Debci. Dhismayaal Dabaqyo ah oo iskaa wax u qabso lagu fuliyey, loona diyaariyey Wasaarado, Wakaalado iwm. Dadkii oo yar iyo weyn shaqo la siiyey, gaar ahaan hooyooyinka, dhallinyaro guulwadayaal loo bixiyey oo ka hawlgeli jiray Degmooyinka, wax tuug la dhahona ciribtiray. Milleteriga iyo Booliiska oo joogto loo qori jiray. Beeraha oo aad loo kobciyey. Bacaadcelinta oo si wada jir ah looga hortegi jiray, ciidan, shaqaale iyo shacabba. Mashaariicdii danwadaagaha, iyo “waa sheymacaane cuna kalluunka.

Qoraalkii hirgelinta afka hooyo. Ololihii waxbarashada reer miyiga. Shaqada Qaranka. Diblomaasiyaddii siyaasadeed iyo xeeladihii ciidan ee dawladdii kacaanku u adeegsatay xorriyaddii Jamhuuriyadda Jabuuti, iyo digniino laga siiyey dawladda Kenya siyaabihii qallafsanaa ee ay ula dhaqmijirtay dadka Somaliyed ee Gobolka Waqooyi Bari (NFD). Dagaalkii 77 ee Addis Abeba albaabada u garaacay, xooriyaddana loogu fishay qaybta ballaaran ee Gobolka Soomaali galbeed, kuna dambeeyey (GOBANNI-MADII LOO HALGAMAY WEERSAA GAAGIXISAY). Muuskii, kalluunkii warshadaha, hilibka warshadaha, sonkortii warshadaha Jawhar iyo Mareerray ayaa baahida dadka ka batay, dibadahana loo dhoofiyey, bariiskiina waa nadeeqay, wuxuuna Alle ha u naxariistee hoggaamiyihii Kacaanka maalin ummadda u sheegay:(IN LAGU DAACAA-QURMO RAASHINKA AADAN LAHAYN).

Wuxuuna ku dhiirrigelinayey bulshada in la shaqaysto, lagana maarmo baryada.

Markaan intaas yar ku soo koobno habdhaqankii ay ku hawlgelijirtay dawladdii ciidamada, waxaa lagu abaalmariyey in xabbad dalka lagaga saaro markii madaxdii dawladdaasi ka dhego adaygtay inay ku qanacdo su’aashii ahayd (AYAAD TAQAAN)? kagana jawaabay: (TURUNTURROOTO KUFTAY, DHACDAY AYAAD TAQAAN, TALADII-SEEGTOO TALLAABSANWEYDAY AYAA TAQAAN, EE MAXAAD TAQAAN)? iyo in qabri aad hoos loogu qoday lagu rido, laguna duugo qabyaaladdii oo dad dhego iyo ilkowaaweyn loo ekeysiiyey. Waana la eeday burburkii nidaamkii dawliga ahaa ee jiray, amar Alle ayeyna ku ahaatay, run ahaantiina hab ka wacan oo dawladeed oo ka horreeyey ama ka dambeeyey ma jirin, haddaanse anugu arrintaas been ka sheegay, maxaa dhacay 22kii sano ee la soo dhaafay? Sida la wada ogyahay, qorshihii dagaal ee Soomaaliya lagu burburiyey ma ahayn qorshe laga allifay Soomaaliya dhexdeeda, wuxuuna ahaa mid dibadaha fog laga soo maleegay, fulintiisana loo soo maray Ethiopia. Waxaa qorshahaas oo 3 geesood ahaa ku weheliyey Mingiste Halemariam oo ka caraysnaa dagaalkii 77 fadee-xadii ka raacday iyo 2 nin oo Soomaali ahaa oo kala ahaa Generaal Caydiid iyo Cabdiraxmaan Tuur. Mingiste isagoo siyaasaddiisa xeeladaysan fushanaya wuxuu ka dhaadhiciyey raggaas, war heedhaha, beesha yar ee idingumaysataa gebigee-duba waa inta Xamar joogta oo dawladda isaga kiin dhigta ee ma kooxdaas yar baad dubanweydeen duhur cad? waana oggolaadeen fulinta debinkaas aan cidna caymin.

Waxaan soo joogay oo kale, 22 sano oo dab aad u darani baxayey, ayna shaqo noqotay, gumaad, boob, bililiqo, kufsi, isbaaro, ku-nasiibso, qafaal, burcadbadeed, qowrac, qaxooti, tahriib, qarax, qaylodhaan, hadalna ku soo ururay (YAATAHAY?)

Belaayo ayaana saadsanaynay markay Saado Cali ku heeseysay:

HADDAAN KUU JEEDILAHAAYOO JABKA KUU SHEEGILAHAA, AWOOD BAAN JIRIN XAGGAY-GOO, AFKII BAA JUUQDI GABAY!!!). Sheekadaas ayaana ka dambaysay dawladdii lala colloobay oo la ceyrshey. (ILLEEN TALO KAA-ISUMA SHEEGTO).

Haddaan Soomaali nahay waxaan ka mid nahay duryaadkii Aadan iyo Xaawaa, waxaana u jeednaa oo marag ka nahay bohosha dheer ee innoodhexeysa innaga iyo dunida horuumartay, kuna tartamaysay waayo badan heerka ugu sarreeya dhaqaalaha, noockasta oo warshadaha casriga ah iyo sahaminta DAYAXA si ay u degaan dushiisa.

Kolkaan qarniyaal badan soo mukhuuraynay mug-diyaal kala daran, 1960kii ayaan nafteenna u sheegnay in aan iftiin u soo baxnay, kana soo dhammaannay mug-diyadii baas, hase yeeshee markaan 30 sano hoos daadsanayn calan aan u malaynay in uu cidleeyahay, ayaa cudurkii aan hore u eednay dib innoogu celiyey mug-digii aan filaynay in aan ka bogsannay. Sidaas aawadeed, waxaa run innagu noqday murti aan hore u saadsannay oo dheheysa:

(XAGGEE BAYNNU JOOGNAA? MA CIRKIBAA? MA DHULKIBAA? MA AAKHIRAA? INTEE BAYNNU JOOGNAA?

Haddiiba ay xag Eebbe ka ahaato in hambo innaga harto, aan si rami ah uga tashanno, kuna heshiinno sidaan ugu dhaqmilahayn nidaamka dawliga ah, aadna aan isu barro gudashada xilalka culus ee aan 52 sano la soo kufaa-kacaynay, waana in aan dalkee-nna iyo Geeska Afrika ka ciribtirro waxa loogu yeero: (anaa leh, anaa mudan, anaa iri, islaweyni, amarkutaaglayn, eex, caddaalad la’aan), iyo intaas oo dhan hooyadood oo ah QABYAALAD xooggan oo aad u xidideysatay, ayna ka adag yihiin ummad midaysan oo fahamsan in qabyaaladdu tahay Cadoowga koowaad ee ay ummadi yeelato, waana cudur aad u xun oo aan caymo lahayn, waana halaagga iyo aafada aabbaha iyo hooyada u ah waxa loogu yeero (TAKOORKA AMA HAYBSOOCA) macnaheeduna yahay (in la yaso oo la ankirro dad islaam ah oo walaalaheen iyo ehelkeenna ah, horaana loo yiri, (TALO XUME TOL MABADIYO).

Waxaan aaminsanahay, kuna talinayaa in aan dibdambe xil ummadeed loogu dhiibin qof isagu is-sharraxay, iyo in jagada madaxtinimada Soomaaliya ugu sarreysa laga mamnooco 2da beelood ee baarqabbada isu yaqaan, xinka, xasadka, canaadka, iyo bootada qabyaaladaysan ee u dhexeysaana baabi’isay sharaftii, karaamadii, magacii, maamuuskii iyo jiritaankii Soomaaliya lahaanjirtay, ilaa inta ay ka qoomamaynayaan, iska saxayaan, dadka intooda kale ula sinmayaan, kana dawoobayaan damaca falan, una hoggaansamayaan sinnaanta iyo caddaalada. U quurayaan hantida ummadda in lagu kaydiyo Bankiyada Qaranka oo keli ah, ogaanayaan in waxaan mushaarkooda ahayn uu xaaraan ka yahay. Garawsanayaan in carruurtooda iyo qaraabadoodu ula siman yihiin shacabka ay madaxda u yihiin, iyo in aanay illaawin in xisaab Eebbe iyo mid aadami ka dambeyso, waxayna kala yihiin :(DAAROOD IYO IRIR).

Wacnaydaa oo wanaagsanaan-lahaydaa in aan madaxdeennu marnaba koolkoolin qabyaaladda, kuna dhiirran lunsashada hantida agoonta, maatada iyo masaakiinta cayrta ah, balse ay la gudboonayd in ay iska xilsaaraan nolosha dadka, camiraadda dalka, iyo ciribtirka cudurka, macaluusha, oonka iyo jahliga. Ma illaaween (NIN AGOON KU XADAY QALIN QAAXO KAMA MAQNAATO)? Aragtideydaasi igama aha ilhaano, eedeyn iyo anafo aan u quuray ummad badan oo walaalahay ah, lehna culimaa’udiin, cirroole, carruur, haween, barbaar, aqoonyahan iyo tiro kale oo xalaal iyo khabaarmoog ka ah waxaan ka hadlayo.

Dhaqanka Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaan jiray in haddii ay laba beelood mar uun isqoonsadaan, isna dagaalaan, muddo yar kaddib geed hoostiis ayey ku garnaqsan jireen, kuna kala garqaadan jireen, waxaana heshiiskaas lagu ayidi jiray wax loogu yeeri jiray(GAROOWSIIYO, GEEL DHEERAAD AH IYO GABDHO), waxaana go’aan oggolaansho qiran jiray, korna ugu dhawaaqi jiray oday wakiil u ah qoyska ay gardarrada dagaalku raacdo. Waxaan arrintan uga golleyahay, dagaalkii qaawanaa ee 1991dii Muqdisho ka qarxay ee ay Beesha Hawiye sida bareerka ah mas’uulka uga ahayd, laguna waayey qarankii Soomaaliyeed, ummad dhan, hanti ma guurto ah iyo wax kasta oo kale oo hanti ahayd, waxaana hadda ka soo wareegay sannadkii 23aad, welina waa socdaa dagaalkii isagoo hadba waji cusub leh, wax gar iyo garoowsiiyo la dhahona haba sheegin, waxaana idaacadaha laga siidaayey in aan la oggolayn dib-u-heshiisiin iyo in wax la iska weydiiyo wax kasta oo dhacay. Sidaas darteed waxaa aniga iyo intii ila aragti ah maanta, berri iyo saadambe innoo sharraxan Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo boqolaal tobanjibaaran oo kale oo aan ahayn (Daarood Ismaaciil iyo Irir Samaale), balse ah Soomaali run ah (which means) daacad ah, insha Allaah, waxayna la mid tahay, (WAR COLKA WARAF MALAGU DEYEY?).

Soomaalidii hore waxaa laga soo weriyey, qofka aadamiga ah wuxuu galo ama gudo iyo barashadiisa waxaa la ogaadaa “markaad jabad la degto (la deristo), jid la marto (la socdaasho), iyo markaad jidiin la wadaagto (wax la cunto).

Waqtiga aan hadda joogno qof dabeecaddiis iyo kartidiis waxaa dhaqso lagu ogaan karaa markaad wada shaqaysaan, wax isla barataan, iyo weliba kolkaad yeelataan xiriir wada hadal iwm. Intaas oo dhan Prof.Dalxa iyo anigu isuguma iman, balse waxaan haddana ku faraxsana-hay in aan maanta garanaayo meel aan ugu hagaago Dalxa, sababtuna waxay aniga ii tahay waxaa igaga fillaaday oo aan ku qancay inta jeer ee aan codkiisa hawada ka maqlay, kaalimadii uu hawlaha qaranka kaga jiray oo uu aad ugu firfircoonaa, wareysiyo arrimo siyaasasadeed ah oo uu bixiyey, waxaana tallaabooyinkiisa la socday, aadna u tixgelinaayey muddooyinkii uu ku jiray Baarlamaankii hore ee Soomaaliya ee uu ka mid ahaa Shirgudoonka, Baarlamaanka Jaamacadda Carabta iyo Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda. Intaas oo dhan iyo aragiisa waxaa ii fududeeyey internet-ka, hase yeeshee ma garanaayo in Xildhibaanku weligiis filim iga daawaday. Prof. Dalxa wuxuu si gaar ah maankayga iyo maskaxdayda ku kasbaday, iguna abuuray qiiro badan ilaa aan aad u ilmeeyey, waana markaan daawaday filim mashruuc weyn iigu muuqday oo uu ka heesaayey Dalxa.

Waxaan wada xasuusanahay in Generaal Maxamed Cali Samantar uu ahaa Halbowlihii kala horijiray hawlihii badnaa ee dawladdii kacaanka dhan kasta, xag ciidan, Golihii Sare, Golihii Wasiirrada, la socodka danaha badan ee shacabka, mudnaanta iyo tixgelinta siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibaddaba. Waxaa su’aal la iska weydiin karaa xaggeebay dawladdii milleterigu ka heli jirtay miisaaniyaddii xoogga lahayd ee ku bixi jirtay ciidammadii qalabka siday, shaqaalaha, warshadihii, dhismayaashii, jidadkii, mashaariicdii horuumarinta ee isdabajoogga ahaa ee October kasta la furijiray iwm.

Sidaan qabo, jawaabtu ma foga, waxayna tahay dawladdii Kacaanku ma ahayn tuugo jeebkooda iyo bankiyada dibadda wax ku qarsada. Waxaan intaas ku darayaa Generaal Samantar iyo Prof. Dalxa ayaa tusaale wanaagsan u ah in dadkeenna ay ka buuxaan boqolaal kun oo aqoon, karti hoggaamineed, hufnaan iyo hagar la’aan ummadda uga mid ah, aynuna ku oonbeeli karro markaan xulanno oo xil culus u dhiibanno, kuna kaalmaynno in aan daacadnimo ula shaqaynno, aynuna iska daahirinno qabyaaladda iyo musuq-maasuqa, insha Allaah

Haddaba aragtida hufan ee aan ka dhuuxay kana fahmay Prof. M. C. Dalxa waxaa ka mid ah:

1. waa Soomaali run ah oo aad u qalbi iyo maskax furan, aad u deggan, hawlkar ah, aad ugu hanweyn in uu wax weyn oo wanaagsan u qabto dalkiisa iyo dadkiisa.

2. waa aqoonyahan leh aqoon diineed iyo mid maadi ah.

3. waa waddani nadiif ah oo jecel in dalkeennu ku negaado nabad, horuumar, sinnaan iyo caddaalad..

4. waa aftahan heli og xulshada dhismaha weeraha ummaddu xiiseyso, aadna u soo jiidan kara bulshada dhegeysanaysa marka uu hadlayo ama la wareysanayo, waxaana ka dheehday in uu u qalmo mas’uul bulshaduu la hadlayo sahal uga dhaadhicin kara aragtida uu aamisanyahay.

5. waa abwaan iyo heesaa sare oo aad u cod macaan, taajirna ku ah sooyaalka murtida Soomaaliyeed ee facaweyn.

6. waa geesi si weyn isugu kalsoon, aadna isaga ilaaliya hadalka aan miisaanka lahayn, iyo in ay isqoonsadaan madaxda dalka iyo inta ay hawlwadaagga yihiin, wuxuuna u muuqdaa shaqsi meel iska dhigay in uu cidna godob ka galo, sidaasna waxaa ku guuleysan kara qof kasta oo markiisa-horeba sii-garqaybsada.

7. Prof. Dalxa wuxuu si xarrago leh uga badbaaday dagaalladii, murankii, kooxeysigii iyo doodihii dawladihii iyo Baarlamaankii hore joogtada u ahaa, dhulkana ku jiiday, dhegxumaduna u dheereyd, aadkana u tirada badna, una tayada yaraa.

8. Markay dhegaheyga iyo qalbigeygu isla kaashadeen midka uu yahay Prof. Dalxa wuxuu iigu soo baxay mas’uul Rabbi yaqaan, xilkas ah, iimaan buuxa leh, ammaan nadana xejin kara. Shaqsigaas oo kalen wuxuu mudanyahay in loo doorto xil culus oo ummadeed.

9. Prof Dalxa.kaalin muhiim ah ayuu kaga jiraa Baarlamaanka Jaamacadda Carabta, wuxuuna ka mid ahaa wafdi dhowaan socdaal niyadsami ah ku tegey Jiidda Qaza,isagoo wakiil ka ahaa Baarlamaanka, dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna ka mid ah Baarlamaanka Carabta, halkaasna ka soo tebinayey xaaladihii jiray iyo wuxuu indhihiisa ku soo arkay.

10 PROF. DALXA WUXUU MUDANYAHAY BILLAD-SHARAF HEER QARAN AH

Prof. Xildhibaan, iyo Abwaan Maxamed Cumar Dalxa, wuxuu ka mudanyahay Qaranka Soomaaliyeed in lagu abaalmariyo Billad-sharaf waddaninimo, hawlkar nimo iyo daacadnimo.Wuxuu ku mutaystay dhammaan qodobbada 9ka ah ee kor ku qoran oo aan ka dheehday Prof. Dalxa, heeska ammaanta iyo xulashada weeraha suugaanta ah ee uu ugu heesay gabadha Soom/eed ee uu ugu magacdaray (SHANKAROON), iyo fagaarihii uu ka heesaayey muuqaalkiisa wacan iyo quruxdiisa aan hambayn, iiguna muuqday (JANNO ADDUUN). Waxaan goobtaas ku arkay dhammaan ammaantii uu Dalxa ku tilmaamay gabadha, ayna ka mid yihiin: meeshaas oo Rabbi ugu roonaaday raxmaddiisa, doog, cagaar, ubax kala duwan, webiyadii, dhirtii, hoobaan bislaatay, harowada biyeysan, dal horuumaray dhismihiis, bilic aan ishu weligeed ka daalayn, iyo weliba geelii iyo fardihii oo halkaas ku soo ururay oo intay dhexda gashadeen Dalxa aad u dhegeysanaya heesta cajiibkaa ee magacyadooda iyo tilmaanta xoolaha deegaanka xambaarsan, aad ayeyna fardahaas iyo geelaasi u eegayeen Xildhibaanka, ula dhacsanaayeen, ugu mahadcelinayeen, aadna ugu duceynayeen, aamiin.

Waxaan filayaa in ay meel fog ka maq-leen codkiisa oo aad ugu u hillaacay, kuna soo heshiiyeen in ay soo arkaan, uunka kalena ka aqoonsadaan shaqsiga tilmaantooda, midabkooda, qiimahooda, dhaqankooda iyo qaayahooda yaqaan ee haddana gabar uu la hayo ama la haasaaway ku ammaanaya, kuna kasbanaya. Shimbiraha iyo haadka duula ayaa in badani dhulka u soo degeen, gableyshimbirtana dhankooda ka ciyaarayey. In kalaa hawada ka dabbaaldegayeyey, aadna u heehaabayey galabtaas, geestoodana ka gabyayey. Kalluunka webiga, yaxaaska, jeerta, jebisada iyo masaska ayaa aad u mulacyeynayey, iskuna haynwaayey biyaha hoostooda, si farxad lehna u soo camiray xafladdaas oo noqotay la isku arag. Shankaroon ishaydu maqaban, waxaana filayaa in ay ku jirtay, laguna celcelinayey guri wada muraayad ah oo webiga jiinkiisa laga abyey, ayna halkaas uga socotay shaqo sida u cillaamid, qurxin middii ugu dambaysay iyo u kala doorid lebbisyo kala jaad ah oo ah, makanaa, makanaa. Haddii ay run noqoto in Shankaroon dhexjoogtay gurigaas muraayada ah, kuna dhoow xafladdii Prof. Dalxa ka heesaayey, shaki kuma jiro in ay Qalanjadu dhegaha, indhaha iyo qalbiga kala socotay, ayna aad u ilmaynaysay, kuna adkayd in ay wax dhuuni ah qaadato, ama ayba gaajo qabato, codka baxsan ee dheer ee wadnaha aad ugu dhibcaya iyo qushuuc ay Dalxa u hayso dartiis. Mahad idilkeed waxaa iska leh (RSW) oo nagu minnaystay nimcooyinkiisa badan ee aan la soo koobi karin. Prof..Dalxa, qiimeynta aan ka bixiyey anigoon aqoon gaar ah u lahayn. ayaan haddana rumaysanahay in uu qiimeyn sugan oo qotodheer iyo qaddarin lagu kalsoonaan karo ka heli karo madaxda Soomaaliyeed ee ay wada shaqayn hore iyo mid dambeba yeesheen, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana aad u rajaynayaa in la ila arko Prof. Dalxa, farta aan ku fiiqayna go’aan caddaaladeed oo rasmi ah laga gaaro, insha Allaah.

Waxaan mahad gaar ahaaneed u soo tebinayaa Xil. Dalxa iyo Shankaroon oo ahaa Arbaha iyo Qalanjada allifay mashruucan taariikhda gelaya, kaalin muhiim ahna ka taageeraya dhaqankeenna tijaarka ah, gaar ahaan xulashada suugaanta loo doorto jeceylka, tilmaamaha bilicda deegaankeenna, xoolaheenna magoolka ah iyo Sawir Qaadayaasheenna kartidooda shaqo, waxaana aad cajiib u ah sida wacan ee ay isu waafajiyeen Pro.Dalxa markuu heesayey iyo jawigii goobtii la

joogay kulansatay.

“SHANKAROON HAWEENKAAY SHIB WAXAAN IRAAHDABA, MARYAAN KUGU SHUKRIYAYAA.

SHIRKAAN KAA AMMAANAA, SHEEDDAAN KAA TILMAAMAA, MARKAAN ANISLA SHAWREE, SHEEKEESTO KELIGEEY”.

Wabbillaahi Tawfiiq