Sunday 26th February 2017

Maxay xisbiyo badan isku diiwaan gelinwaayeen Nidaamka xisbiyada Badan ee Puntland?.

pl-loogTan iyo intii lagu dhawaaqay in ay furan yihiin isdiiwaan gelinta xisbiyada siyaasadeed ee Puntland waxaa laga joogaa 2bil iyo bar mana jiraan ilaa iyo iminkadan xisbiyo isdiiwaan geliyay marka laga reebo xisbiga madaxweynaha Haatan ee Puntland.

Tani ayaa noqotay mid ku dhalisay shacabka reer Puntland Su’aalo badan oo ay iska weydiiyaan sababta ay xisbiyo isku soo diiwaan gelin waayeen.

Tilmaamaha guud ee ay shacabku ku sababeynayaan arintani ayaa isugu soo ururtay, su’aalo kooban oo ay ka mid yihin su’aalahan, “Ma siyaasiyintii isa soo taagi lahaa baan Fahamsaneyn?, ma sharuudaha isdiiwaangelintaa adag? Ma Baqdin baa jirta, mise waan lagu qanacsaneyn?.

Xiligii loo qabtay in ay isku soo diiwaan geliyaan ururo siyaasadeed ee fulin lahaa nidaamka cusub ay Puntland Sheegtay in ay ku talaabsatay ee ah Xisbiyada badan ayaa waxaa ka harsan waqti kooban oo fara ku tiris ah, Xisbiga xukuumada hada jirta ma ahane wali isma diiwaan gelinin xisbi kale!!.

Dadka daraaseeya xaaladaha siyaasada Soomaalida gaar ahaan gobolada Puntland ayaa tilmaamay in tani lagu fasirikaro in ay saameyn ku yeelatay siyaasadaha isqilaafsan ee laga yaabo in ay ka jiraan Soomaaliya Gaar ahaan Puntland, sida muranada la gilinayo mudada dhabta ah ee ay jireyso dowlada haatan ka talisa Puntland ee uu horkacayo Dr C/raxmaan Faroole.

Waxaa sidoo kale jira ifa faalo muujinaya in muranka ka taagan xiliga xukuumada maadaama ay dheceen banaan baxyo ay shacabka reer Puntland ay ku muujinayaan shucuurtooda taas oo maalmo ka hor dhalisay khasaare dhaawac .

Marka loo yimaado nidaamka xisbiyada badan waa mid ka jira wadamada horumaray islamarkaana ay ku dhaqmaan qaar ka mid ah maamulada ka jira Soomaaliya gudeheeda, waxaanu leeyahay nidaamkan marka laga eego tayadiisa faaiido iyo khasaare labadaba,

Faaiidada ka guurista Nidaamkii qabiiliga ahaa ee lagu soo dhaqmayay waa mid lagu gaari karo Horumar buuxa, kala dambeyn iyo weliba Xukun daacad ah, Balse taasi waxay imaneysaa markii laga gudbo dhaqanka gunti isku giijiska ah ee ay caadeysteen madaxda Africa, waana tan keentay in qaarada Afrika loogu yeero qaaradii madoobeyd.

Khasaarooyinka ka dhalankartase hadii la isla fahmiwaayo nidaamkan hirgelintiisa waa mid aan dan u aheyn shacab iyo hantiba, wayna dhib badantahay ka guulgaarista hababka cusub ee looguurayo xili laga gudbayo nidaam mudo farabadan lagu soo dhaqmayay oo ay la qabsadeen umad, maadaama laga yaabo in nidaamku wax badan ka bedelanyahay sharciyadii lagu soo dhaqmi jiray.

Kulan ay isugu yimaadeen Ururada mideysan ee Bulshada oo lagu qabtay Garoowe ayaa la isugu weydiiyay su’aalaha ku aadan sababaha aanay wali u suurto galin isdiiwaangelinta xisbiyo badan, iyadoona ay ujeedadiisu ahayd sidii xal loogu helilahaa arinkan.

Hadaba Maxay noqon kartaa xal u helista arintan?.

Waxaa iyana in la is xusuusiyo mudan kulamada ay saxaafada gudaha iyo kuwa dibadda u qabanayaan rag  siyaasada Puntland siweyn loogaga yaqaan islamarkaana ay ku shaacinayaan in ay yihiin musharax u taagan xilka Madaxtinimada Puntland.

Muuse Geele Faroole Waa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadaha soo maray Puntland ee kala dambeeyay, waxaana uu ku sheegay kulan saxaafadeed uu ku qabtay dalka dibadiisa in uu yahay Musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland,

Waxa jira Rag kale oo laf dhabar ah siweyna loogu yaqaan siyaasada Puntland oo iyagu muujiyay fegrado guuldaro ku keeni kara maamulka haatan jira howlaha uu wado siiba kuwa sanadka Sanadka sanadka Soosocda hirgali lahaa

Su’aasha ugu weyn ee u taala muwaadinkasta ayaa ah xaaladu sidan miyay sii ahaan, mise waxweyn oo muhiimadeeda wadata ayaa iska bedeli doona?.