Wednesday 26th April 2017

Kooxo Hubeysan oo Muqdisho manta ku dilay xildhibaankii labaad

Kooxo ku hubeysan baastoolado ayaa maanta ku toogtay gudaha magaalada Muqdisho xil dhibaan C/casiis Isaaq Ibraahim oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamanka Dowlada federaalka Soomaaliya.

Weerarka uu ku dhintay Xildhibaanka ayaa ahaa mid lagu qaaday gurigiisa ka dibna ay dhacday in meel u dhow lagu toogto isagii.

Xoogaga Xarakada alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilkaas loo geystay xildhibaan C/casiis Isaaq Ibraahim.

Waxa uu xildhibaan C/casiis noqonaya xildhibaakii labaad oo lagu dilo magaalada Muqdisho mudo saacado ah gudahood, waxay aheyd maalin nimadii shalay xili barqo nimadii markii gudaha Muqdisho qarax lagu dilay xildhibaan Isaaq Maxamed Riinoow.

Waxana sidaas oo kale weerarkaasi sheegtay in ay masuuliyadiisa lahaayeen xoogaga xrakada alshabaab.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa arinta dilalka ka socda Muqdisho iska indha tireysa iyadoo ay aheyd markii todobaadkii hore xukuumadu shaacisay in muqdisho laga sifeeyay qaraxyada iyo dadka ka geysta dembiyada dilalka ah.

Waxaa xusid mudan in uu muqdisho ka socdo shir ku saabsan aayaha dambe iyo amaanka guud ee Dalka Siiba magaalada Muqdiso caasimada Somaaliya.

BosasoPress
bosaasopress@gmail.com