Wednesday 26th April 2017

Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo maanta Kulankoodii 1aad yeeshay

Golaha Deegaanka magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa maanta markii ugu horeysay kulan yeeshay ka dib isbedelkii ku yimid maalmo ka hor.

Gudoomiyaha cusub ee golaha deegaanka Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa ayaa kulanka ka hadlay iyagoo marka hore isbarasho u furay xubnaha ku jira golaha deegaanka waxaana ay ugaga mahadceliyeen soo doorashadii dhowaan ay soo doorteen.

Duqa degmada cabdi casiis jaamac Nugaal oo Saxaafada u faah faahiyay kulanka ayaa sheegay in uu gebi ahaantiis ahaa mid isbarasho iyo dardaaran ay ka dhageysanayeen xubnihii hore degmada oo ay kula kulmeen goobta.

Waxa uu sheegay in Mr Nugaal in ay u balan qaadeen inay ku shaqeyn doonaan cadaalad kana codadeen dhankooda in ay la shaqeeyaan .