Thursday 17th August 2017

DFS oo Ilowday Kulliyada Tababarka Carmo iyo Dadweynaha Carmo oo Dayactir ku bilaabay (SAWIRO)

Shacabka degmada Carmo oo isugu jira dhalinayaro, Haween, iyo Odayaal ayaa shalay oo jimco ahayd u kacay sidii ay u hagaajin lahaayeen Kuliyadii dhamayd ee ciidanka dalka Soomaliya taas oo ku taal Degmada Carmo oo uu ka muuqday wax aysan indhahaagu qaban karin.

Ol’olaha nadaafadeed ee dadweynaha ku dhaqan Carmo ay ku sameeyaan Kulliyada tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa goob joog ka ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Cabdulaahi Ciid iyo maamulka degmada Carmo.

Kulliyada oo la Aas-aasay sanadkii 2005 ayaa mudadadii ay furnayd waxaa ka qalinjabiyay Saraakiil iyo Ciidamo tira badan,kuwaas oo door ku leh raadinta Qaramanimada Soomaaliyeed.

Inkasta oo Kulliyad wayn oo umada Soomaaliyeed ay leeyihiin ay ku taalo Puntland,hadana Ciidamada Soomaaliyeed ayaa tababar loo geeya dalalka Shisheeye,arrintaas oo dadweynuhu ay iswaydiinayaan.

Kulliyada ayaa waxaa jooga Saraakiil khibrad iyo aqoon u leh tababarka Ciidamada,kuwaas oo qayb ka haa Saraakiishii Dowladii dhexe ee Soomaaliyeed.

Dhul aad u baaxad wayn ayay ku fadhidaa Kulliyada,waxayna ku taala magaalo ka mid ah magaalooyinka Koboca dhisme sameeyay 22-sano ee tagay,waa degmada Carmo.

Ka dib geba gebadha nadaafada waxaa hadalo koo kooban soo jeediyey Gudoomiyaha Degmada Carmo Ibraashih shire maxamed Saciid, Xaaji Salaad Ciise oo ka mid ahaa Asaasayaashi Degmada carmo, Gudoomisada Ururuka Haweenka Degmada Carmo Murwo Jaamac Mire, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Carmo Sareedo Ibraahim Rooble.

Ugu dambayn waxaa hadalka soo xiray qaban qaabiyihii ololahan ee ah La Taliyaha Madaxwaynaha dhanka arimahada gudaha iyo arimaha Bulshada ee C/laahi ciid Axmed oo sheegay in dowada cusub ee Gaas wax badan ka qaban doonto burburka ku yimid Kuliyada Degmada Carmo.

SAWIRO
DSC03872

DSC03776

DSC03742

DSC03715

DSC03706

DSC03702

DSC03692

DSC03675

DSC03666

DSC03664

DSC03656