Wednesday 26th April 2017

Bulsho Aan Aas -Aas lahayn Jiritaan Maleh (Maqaal)

Bulshadu wa ummad meel kuwada nool oo isku dana ,diina ,dal iyo af wadaaga, waxana assaas u aha diinta iyo dhaqanka oo ay bulsha weliba sida la ogyahay ay kaga dowanyihiin kuwa kale.hadaba mar walba oo uu sii xoogsanayo is dhexgalka bulshada iyo xiriirkeedu waxa sidoo kale si dar darleh u kobca horomarka bulshada, waxana marka muhiim ah in ay bulshadaasi hesho wax yaalaha asaasiga u aha nolosha iyo horomarka, sida in ay hesho , nabadgelyo ,xarumo cafimaad , waxbarasho ilo dhaqaale ,cimilo wanagsan , caro ku wangsan beerashada , xoolo iyo dhamaan wax walba oo muhiim u aha asaaaska nolosha.

Kadib marka la helo dhamaan waxyalahaa asaaska u aha horomarka bulshada ayaa wax imankara in la rukumada loo taago waxqabad wax ku oola , inkastoo aysan suragal ahayni in mar qura waxqabadka laga mira dhaliyo , taasna wax ay ku xirantahay hanaan socodka bulshada, tuusale ahaan hadi la waayo nabad gelyo waxa adkaaneysa in wax qabad buuxa laga dhalin waayo inti kale taasina wax ay curyaamisa hormarka bulshada,mar walba oo la xuso horomar ay gaarto bulsho , waxa lagu tilmama in ay tahay bulsho ku wangsan waxqabadka, lehna asaas adag oo ku salysan dhaqan maguuraana, bulsho ku wangsan heerka aqoonta, ayna u dhan yihiin dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshda ay ugu horeyaan , dhalinta, indhagaratada , aqoonyahada iwm, waxana hubaal ah bulsha kasta oo sida u fekerta in ay gaareyso yoolka ay hiigsaneyso oo ah horomar ay rabto in ay ku talaabsato.
BULSHADA SOOMAALIYEED WAA UMMAD NOOCE AH:

Soomalidu wa ummada keliya , isku af , isku diin ah,isku dhaqan iyo caado aha, dhamaan tilmamahasi wax ay kaga duwanyihiin ummaddo badan oo ku nool addunka.ummada soomalidu wa umad leh dhamaan astaamihi lagu yaqaan bulshada, Allaha waaxidka ah ee awoodda iska leh ,ummadda soomalida wuxu ugu deeqay wax walba oo wanaag aha sida khayraad badan oo aan la koobi karin . waxa kahayaraadka kamida . Xoolaha,beeraha, macdanta, ugaarta iyo khayraardka badda webiyada iyo togag degaaka iyo cimilo wangsan.ummada soomaliya oo hadaba wax walba oo wangsan alle siyey maxaynu u garan la’anahay in aynu marka hore la nimaano alle kacabsi dhaba,oo aynu eebe weydiisano dembi dhaaf iyo naxariis joogta aha ,sidoo kale in aynu doono xal sidi aynu u heli lahayn midnimada soomaliyeed iyo nabad aynu kuwada noolaano soomaliya oo xor ka ah qabyalaysiga, xaasidnimda , beenta iyo isku dirdirda ummada soomaliyeed, kadib in aynu u soo jeesano sidi aynu ula soo baxi lahayan khayraadka alle Ina siyey.

Manta waxa ummadda soo gaarey dhawaac lixaadle ku dhowaad 30 sano, ka gadaal marki dawladi dhexdhexdineysey ummada ay ka baxaday mesha, taasina wax sabab u noqotay in midnimadi ay daciifto,wax walbana ku kala socdaan nidaam daro,manta waxaa la arakya in ruux walba uu dantisa oo keliya wato, oo wuuba hilmaamay ka shaqaynta danta guud, arrinka wax in badan ina kula dardarmay nebigeena (SCW). nebigeena waxa uu dhahay : qofki aan arrimaha muslimiinta danaynayn inaga mid maaha , sidoo kale nebigeenu(SCW) wax uu yiri :qofku wa in uu la jeclaada walkiis wax uu naftiisa la jecelyahay , marka ilaalinta danta guud wa waajib saran ruux walba, ummaddu horomar kuma gaadho in ruux walba uu dantisa kashqeeyo , waxyse horomar ku gaadha bulshadu alle kacbsi iyo wadadi nebigeena (SCW), ilaalinta diintaada,ilaalinta hiddaha wangsan , barshada taarikhdada , danguud kashaqayn ,iskaashi wadaag, dalka oo dacad loo noqdo iyo dadka maatada oo la daryeelo.

Hadaan ku laabto mowduuca dulucdiisa waxaan ku soo gebagebaynayaa in dhamaan adeegyasha bulshada , shirkadaha ganacsiga,xarumaha waxbarshada, rugah caafimaadka ee sida gaarka loo leeyahay iyo qof walaba oo gacan ka geysankara ,dhamaantood in ay iska kashaadan oo ay isku hawalaan sidi ay u caawini lahayeen Walaalahooda tabaalaysan.