Tuesday 28th March 2017

Barkhad Abdi, oo ku guulaystay Xiddigga filimka Captain Phillips (Video+Sawiro)

Barkhad-Abdi-3153496

Barkhad Abdi, oo ku guulaystay  (Xiddigga filimka) ee sanadka

captain-phillips-barkhad-abdi-wins-best-supporting-actor-baftas-2014Barkhad Cabdi ayaa ku guulaystay abaalmarinta BAFTA ee caawiyaha jilaaga ee ugu fiicnaa sanadkan ee filimka Captain Phillips. Wuxuu filimkan ku saabsanaa burcad badeed Soomaaliya.

waxaa uu ka guulaystay jilayaasha Michael Fassbender iyo Matt Damon.

“Bafta iyo Paul Greengrass waxay igu aamineen (doorkan) ka hor intii aanan anigaba isku kalsoonaan, Meel cidla ah ayaan wax ka bilownay hadana tan ayaan haynaa” sidaasi waxaa yiri Barkhad oo goobta abaal marinta lagu gudoonsiiyay ka hadlayay.

Si xoog leh ayaa loogu sacab tumay Barkhad Cabdi intii uu fuulayay masraxa abaalmarinta uu ku guddoomay Abaalmarinta BAFTA,.

Abaalmarinta BAFTA, ayaa ah abaalmarin lagu bixiyo dalka Britain balse caalami ah oo lagu abaalmariyo Filimaanta iyo jilayaasha ugu wanaagsanaa sanadkaas.

Barkhad wuxuu ahaa atooraha labaad ee filim-ka Captain Phillips oo uu jilayay jilaaga caanka ah ee Maraykanka Tom Hanks.

Inkastoo uu Barkhad ku cusubyahay shinemada hadana waxaa uu qaabkiisa jilitaanka ku muteystay in loo magacaabo abaalmarino aad u tiro badan oo caalami ah iyadoo laga helay doorkiisa uuku matalay burcad badeedda.

Mustaqbalka Barkhad ee aflaamta ayaa ah mid bidhaamayo waxaana uu Barkhad oo aad u faraxsan markii uu bilada qaatay u mahadceliyay dadkii lasoo shaqeeyay xiliguu filinka jilayay siba soo saaraha Paul Greengrass, Tom Hanks iyo waliba asxaabtii l jishay filinka iyo qoyskiisa.

article-2541464-1AB9E12800000578-972_634x401

SANTA MONICA, CA - JANUARY 16:  Actor Barkhad Abdi attends the 19th Annual Critics' Choice Movie Awards at Barker Hangar on January 16, 2014 in Santa Monica, California.  (Photo by Christopher Polk/Getty Images)

SANTA MONICA, CA – JANUARY 16: Actor Barkhad Abdi attends the 19th Annual Critics’ Choice Movie Awards at Barker Hangar on January 16, 2014 in Santa Monica, California. (Photo by Christopher Polk/Getty Images)

7118d9581-1 emmat21614-_sp